African watchdog
4 min readApr 13, 2021

Arrimaha la filan karo xaalada Somalia maalmaha dhaw

Waxaa waddankii Somalia ka dhacay inqilaab aan dhiig ku daadan oo waxaa waqtigii kororsaday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Barlamaan waqtigoodii dhamaaday oo si sharci dara ah u kororsaday waqtiga iyada oo ay ka maqan tahay aqalka sare oo ay ahayd haddii mudo kororsi la aadayo in labada aqal ay si wada jir ah u ansixiyaan tii ma aysan dhicin.

Haddii aan dul istaago waxyaabaha dhici kara haddii ay noqon lahayd in arrinkan lagu dagaalamo ama Beesha Caalamka soo fara geliso.

Waxaan ku bilaabayaa haddii uu dagaal dhaco waxaa suuragal ah in uu bilowdo dagaal socda 14 maalmood oo 5 cisho ugu horeyso uu noqdo dagaal weyn oo dad badan ku dhintaan oo qasaara badan leh inta badan Qasaaraha 5 cisho ugu horeysa wuxuu aad u saameynaaya Mucaaradka iyo shacabka oo aan diyaar garoobin intaa ka dib maalinka 7 aad waxaa bilaabanayaa in maleeshiyo Beeleed aan cadad lahayn oo kor u dhaafaaya ilaa 70,000 ayaa magaalada ka soo galaya labada Shabeele oo aan la hor istaagi karin

Waxaa markaas bilaabanaya in AMISOM iyo Beesha Caalamka codsadaan in waddooyinka loo furo madaxda waqtiga ka dhamaaday iyo taageerayaashooda iyada oo loo furi doono wadada gasha dekeda oo lagu daad gureyn doono Markab ay leeyihiin beesha caalamka

Waxaa dhici doonto in la mideeyo Ciiddamadii gobolada ka yimid iyo kuwii Xamar joogay oo kuwa aan tababarka lahayn lagu xareeyo xeerooyinka ciiddamada lagu tababaro iyo qaar kale oo badan in loo daad gureeyo magaaloyinkii iyo tuulooyinkii ay ka yimaadeen. Waxaa jira arrima badan oo aan halkan ku qori karin oo ah military tactics uma lihi aqoon duruqsan waxaa inta aan qoray ku saabsan habka uu dhici karo dagaalka ila wadaagay sarkaal howlgab ah laakiin hadda qeyb ka ah inuu gacan ka geysto haddii arrinka ay dictatorship isku bedesho oo sarkaalkan mardhaw ku soo laabtay waddanka waa nin haysta culuunta war plan, Unified command plan, theater of wars. Runtii waa sarkaal wax badan looga faideysan karo diyaar u ah in mar labaad waddankiisa u shaqeeyo.

Waxaa Ilaahay ka rajeyneynaa in Ramadan fadligiisa ay nabad wax ku dhamaadaan.

Waxaa ku xigta arrinka Beesha Caalamka iyo talaabada ay qaadi doonaan oo soo af jari doonto dawlada Farmajo ee waqtiga ka dhamaaday.

Waxaa suuragal ah in dad badan ay is weydiiyaan maxay Beesha Caalamka ay aad ugu daneyneysaa Somalia. Haddii aan si kooban u sharaxo Somalia waxay ka mid tahay dalalka ka soo kabanaya dagaaladii sokeeye oo afka qalaad lagu yiraahdo Fragile state.

Waxaa kale oo jirta in Somalia ay United Nations ay kaga jirto Chapter IIV oo waagii dawlada ku meel gaarka waxaa ku jirnay Chapter IV inkasta oo Somalia isbedel wanaagsan ka sameysay laakiin waxaa lagu maamulayaa si dadban ilaa aan ka gudubno oo aan noqono waddan isku filan waxyaabaha ugu wanaagsan oo 10 sano ugu dambeeyay waxay ahayd qori isku dhiibka oo doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo haddii xitaa dib loo dhigo iyada oo la isla wada ogol yahay.

Waxaan ku soo noqonayaa Arrimaha Beesha Caalamka ay sameyn doonto maalmaha nagu soo aadan si dagaal uusan u dhicin tan Hore waxay cuna qabateyn ama sanction saari doonaan cid walba oo ku lug lahayd waqti kororsiga oo ahayd sedexdii walxood ay ku celceliyeen in aan laga gudbin qadka cas ama red line.

Beesha Caalamka waxay soo saarayaan qaraar ah ma aqoonsanin dawlada Farmaajo taas oo ah tan ugu qatarsan oo sababi doonto in Farmaajo iyo asxaabtiisa waddanka si degdeg ugu baxaan maxaa yeelay marka ay yiraahdaan kuma aqoonsanin waxaa isla markii aqoonsiga kaala noqonaayo ilaa 60 waddan oo waxaan Xasuusanaa maalinkii Mareykanka ay dib u aqoonsadeen Somalia 2012 waxaa 25 daqiiqadood ka dib aqoonsaday Somalia 72 waddan.

Waxaa isla markiiba istaagaya protection ama ilaalada loo sameeyo Madaxweynaha iyo madaxda kale oo AMISOM iyo drones kor ka ilaaliya meelaha uu Madaxweynaha joogo isla minute ayay istaagayaan haddii ilaala loo sameeyo Madaxweynaha reerkiisa dibada jooga waa istaageysaa.

Marka Dawlada Mareykanka ay ku dhawaaqdo sanction isla markiiba wax walba oo hanti aad ku leedahay addunka xitaa haddii dad ay kugu qoran yihiin waa lala wareegayaa

Waddan, shaqsi ama company kula macaamiloon kara ma jiray sidoo kale waxaa laga xanibayaa safar walba oo meel walba ah

Waxaa ku soo xigaya in dacwad lagugu soo rogo ka dib waxaa lagugu maxkamedeynaya ICJ ama New York oo dembiga ugu weyn ay tahay in waddan dhan aad u horseeday dagaal sokeeye.

Waxaa rajeynayaa in caqliga uu shaqeeyo sidoo kale haddii Mucaaradka ay dagaalka bilaabaan inay muteysanayaan dembiyaadaas oo kale mar walba waxaa dembiga la saara cidda bilowday oo hadda waxay Mucaaradka ku andacoonayaan in iyaga dharbaaxada lagu bilaabay laakiin waxaa wanaagsan in marka Hore laga war sugo Beesha Caalamka.

Waxaa Allaha awooda leh ka tuugeynaa in si nabad ah loo heshiiyo oo ay suuragasho doorasho wada ogol ah.

Ramadan Mubarak

Abdiaziz Amalo

No responses yet