African watchdog
2 min readNov 23, 2021

Boobka xildhibaanada iyo baabi’inta cadaalad u helida Dilkii Ikraan Yaa ka masauul ah.

Marka kowaad waxaan ku hormarayaa boobka xildhibaanada ka socda maamul goboleedyada qaasatan Galmudug waxaa ka masauul ah Farmaajo iyo Fahad oo adeegsanaya naqshadihii lagu dhisay maamul goboleedyada uu sametstay Farmaajo oo aan ku xasuusano maamulkii ugu dambeeyay ee Hirshabelle oo xildhibaano laga dhigay 44 ka mid ah askarta NISA si looga maarmo Qabiilkii diidanaa saami qeybsiga Hirshabelle oo waa la mid habka ay hadda la isticmaalayaan Galmudug oo Qabiil dhan ergadiisii laga dhigay Askar laga soo aruuriyay Xamar Loo daadgureeyay Dhuusamareeb. Arrimahan boobka wax shaqa ah kuma laha PM Rooble oo kaartadaan waa ka horeysay laakiin wuxuu ku eedeysan yahay inuu xilgaarsiintii awoodeeda la wadaagay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibkiis.

Marka labaad waxaa la soo afjaray case Ikran Tahliil oo si aan waafaqsaneyn Loo maray habkii garsoorka maxaa yeelay Xeer ilaaliye ama attorney General ama prosecutor ma soo gabagabeyn karo dad dacwad dil ah ku eedeysan arrinkaas waxaa dhameyn Kara keliya Garsooraha maxkamada taas micnaheedu waxa weeye in weli dacwadii ay furan tahay.

Waxaa eeda kowaad ee baani’inta dacwada Ikran iska leh Farmaajo, Rooble, iyo dawlada Qatar oo diidan in la maxkamadeeyo nin ka tirsan shaqaalaheeda Sirdoonka (Qatar State Security)

Qatar State Security ninka u shaqeeya oo ah Fahad Yasin. wuxuu ku leedahay gudaha Muqdisho awood Aad u sareysa oo suuragal ay tahay in ciddii ay doonaan ay si sahlan ugu taqlusi karaan waxaa hadda looga shakisan yahay dilkii Eng Yarisow , Ikran Tahliil iyo midkii hadda ugu dambeeyay ee lagu dilay agaasimihii Radio Muqdishu Abdiaziz Africa.

Waxaa jiray in Raisal Wasaarihii hore Kheyre uu Aad naftiisa uula baqan jiray in ninka agent u shaqeeya uu qaarjiyo marka waxaa suuragal ah in Raisal Wasaare Rooble uu isagana nafsadiisa la baqay oo waxaa loo diray message ugu dambeeyay oo lagu qarjiyay agaasimihii Radio Muqdisho Aad ugu dhawaa la qaarjiyay sidoo kale dhaawac culus la gaarsiiyay agaasimihii TV qaranka.

Waxaa xasuusanaa in mid la mid ah hore Loo tusay Raisal Wasaarihii hore Kheyre lagu hor dilay saaxiibkiis aad ugu dhawaa AUN Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng. Yarisow.

Waxaan sugnaa waqtiga la boobo dhamaan doorashada lana rajo beeliyo Musharaxiinta calaacalka badan.

Waxaa Allaha awooda leh ka rajeyneynaa in ummadda uu ka qabto kuwa leynaya dhalinyarada iyo waxgaradka.

African Watch.

Sign up to discover human stories that deepen your understanding of the world.

Free

Distraction-free reading. No ads.

Organize your knowledge with lists and highlights.

Tell your story. Find your audience.

Membership

Read member-only stories

Support writers you read most

Earn money for your writing

Listen to audio narrations

Read offline with the Medium app

No responses yet

Write a response