
Bootada, wiiftada warqadaha ee aanan lahayn jid iyo jiho loo raaco yaa ka masa’uul ah.
Waxaa aad la yaab in mar badan Dawlada Farmaajo ee waqtiga ka dhamaaday ay soo qoraan warqado ay dad badan oo wax garad ah iyo Beesha Caalamka ay aad ula yaaban oo haddii soo qaato warqdii ugu dambeysay oo uu soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibada ku socotay UN Security Council oo ay dawlada ku andacooneysay in aan la fara gelin karin Arrimaha doorashada iyo Arrimaha madaxbanaanida dalka dhamaan waan wada ognahay in Somalia uu yahay waddan xur ah laakiin dawlada ma ogtahay ama aqoon dari siyaasadeed ayaa jirta oo ah in Somalia ay ku jirto Chapter VII (7) oo dawladihii ku meelgaarka ahaana ay ku jirtay Chapter IV(4)
Waxaa is weydiin mudan Dawlad ku jirta Chapter VII (7) sidee warqadaas uu Wasiirka qoray ay ugu direysaa UN Security Council ma botaa mise buula xoofteyn bal adba?
Waxaa daliil ku ah in mar walba ay shirayaan UN Security Council looga hadlo ama resolution looga soo saaro Arrimaha Somalia ee waqtigaas taagan oo inta badan waddamada looga hadlo sida Somalia oo kale UN Security Council ay yihiin waddamada Fragile States ah ee ka soo kobanaya dagaaladii sokeeye.
Waxaa kale oo Dawladan waqtigeeda dhamaaday ku caan baxday faan badan micna lahayn oo mararka qaar bahdil ku ah dadka Somaliyeed haddii aan sidoo kale soo qaadano sida waqti walba Madaxweyne Farmaajo loogu yeeriyo in shirarka iska soo xaadiriyo shuruud la’aan isaga oo ay ahayd in si odaytinimo ah inuu la xaalo dawlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed oo isagana si xishood la’aan ah u sheegto shirkii isaga lagu qasbay inuu yiraahdo Aniga ayaa isugu yeeray shirka ka socdo afisoyooni.
Dawladan oo ku jah wareerisa wadaniyad been ah iyo in waqti walba ku faanaan inay ka adkaadeen Beesha Caalamka oo ah kuwa mushaarka siiya ciiddamada ajnabiga oo jooga meel aad ugu dhaw qolka uu madaxweynaha seexda. Waxaa xasuustaa nin diplomat oo Mareykan ah ayaa maalin ka yiri meel shir ah oo looga hadlayay Arrimaha Somalia in haddii Amisom ay ka soo kaxeeyaan Villa Somalia uusan Farmaajo joogi karin wax ka yar 30 daqiiqadood runtii hadalkaas anaga oo Somali ah wuu na xanuujiyay oo nin Madaxweyne Somaliyeed oo sidaas loo bahdili karo intaas ka dib ayaa weydiinay oo dhawr suaaladood oo ahayd in Dawlada isku difaaci karto ciiddamada loo soo tababaray ee Turkish Train Soldiers iyo kuwa Mareykanka ay tababareen markaas baa intuu qoslay ayuu nagu yiri marka Hore ciiddan Mareykan tababarey marnaba dhici meyso inay ka qeyb qaataan dagaal sokeeyo ku wajahan villa Somalia iyo kuwa Turkey ay soo tababareen ma dagaalami karaan wax ka badan 3 saacadood ma heystaan qalabka Amisom oo kale iyo wuxuu kale oo yiri Muqdisho ma’ahan magaalo sahlan oo waxaa ku nool 3 million oo qof oo 2 million ka badan ay hubeysan yihiin oo haddii arrinka xumaado wax ciiddan oo barbar dhigi karo ma jiro.
Waxaa kale oo weydiinay maxaa sababay in Madaxweynaha Somalia sidaa u tabar yar yahay wuxuu inoo sheegay in sababta ay tahay in nin walba Madaxweyne oo yimaada Somalia uu maalinta kowaad ka shaqeeyo laba arrin oo mid waa siduu ku soo noqon lahaa afar sano ka dib iyo tan kale in Xoolo badan ka tacbadaan Xoolaha unmada Somaliyeed aysan ka fikirin inay ka maarmaan Ciiddamada ajaanibta oo habeenkii iridka qolka jiifka u soo xira.
Arrinta kale ee Dawladan ku faanta mar walba oo ah in ay eriday Ergeygii UN u fadhiyay Somalia Nicholas Haysom taas oo markii la ogaaday ay ka dambeysay Dawlada Mareykanka oo rabtay in ninkaas uu meesha ka baxo dhawr sababood oo ah inuu waqtiya badan abaabulay shir uu isugu yeeray Beesha Caalamka oo uusan wargelinin Mareykanka iyo Mareykanka oo rabay in nin iyaga ka socda la keeno Somalia isla arrimahaas oo dhan ay dawlada kaga faaideysatay in ay ku eedeysay inuu ka hadlay dadkii lagu dilay Baidao oo markii ay dawlada keensatay Madaxweyne ka shaqeeya danaheeda gaarka ah.
Mar haddii ay Dawlada eryi karto UN representative maxay u eryi weyday Ambassador Swan oo uu amara adag dul dhigay Farmaajo oo isaga oo Madaxweyne ah si degdeg ah loo soo fariisiyay miiska wada hadalka.
Arrinahaas oo dhan iyo bootada Ina Cabdirizakh Wasiirka Arrimaha Dibada oo jecel inuu aad u raadiyo marka uu English ku hadlayo accent Mareykanka ama American Accent oo runtii ah nin NGOs ka soo shaqeeyay inta badan wax ku soo bartay India intii dambena 90s yimid Mareykanka oo dadka aqoonta ehelka u ah ay og yihiin in luqada sideedaba aysan ahayn aqoon iyo xirfad laakiin qolyaha Dawladan Faanka jecel aad ayay u jecleysanayaan maxaa yeelay waa dawlad boota badan aanan qibrad siyaasad aan lahayn.
Arrimaha kale ee qibrad la’aanta waxaa ka mid ah Prime Minister oo shaqadiisii gebay isagana lagu mashquuliyay inuu Jidad xiran furo uu ka hadlo degmooyinka Xamar oo ahayd shaqo uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka BANADIR iyo inuu la shiro Gudoomiyayaasha degmooyinka isaga oo kala hadlaya nadaafada waddooyinka iyo in ubax lagu beero isgooysyada Xamar.
Arrin kale oo maanta dhacday cajiib ah inuu isku bedelay Wasiiradiisii oo aan la sii yaabay Wasiirkii Duulista iyo Hawada oo lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan inta uu shaqada ka eryi lahaa uu u sii magacaabay wasaarad muhiim ah oo ay leeyihiin dadka ku dhaw dhaw Prime Minister inuusan ceyrin karin Wasiirkaas maxaa yeelay wuxuu saaxib dhaw la yahay Xasan Farmaajo oo ah nin la dhashtay madaxweye waqtiga ka dhamaaday Farmaajo.
Waxaa unmada Somaliyeed rajeyneynaa inuu Ilaahay na siiyo Dawlad madaxdeeda ay daacad yihiin oo aan faan iyo booto qarash ku bixin xoolaha ay ka baahan yihiin dadka dhibaateysan ee ganacsigii iyo wadooyiinkii laga xiray.
Ramadan Kariim,
Abdiaziz Amalo