Codsi ku socda warbaahinta xorta ee Soomaaliya qaabilsan.
Waxaa nasiib darro ah in warbaahinta Madaxabannaan sida Universal TV, Somali Cable, VOA, BBC, KNN, Goobjoog ay ka qayb qaadanayaan marin habaabinta ummadda soomaaliyeed ayagoo fidinaya wararka beenta ah, shirarka sharcidarrada, hadallada khilaafsan dastuurka kmg ee dowladda federaalka horseedka ka tahay ayagoo aan raacin saxitaan. Warbaahinta ma ahaan aalad loo adeegsado fidinta beenta, sharcidarrada, iyo indhasarcaada dowladda federaalka kula kacayso shacabka Soomaaliyeed.
Warbaahinta kor ku xusan waxay yaqaanaan dastuurka kmg oo af Soomaali ku qoran, waajibna ku tahay inay dhawraan, difaacaan.
Tusaale ahaan,
- Waxay ka gaabiyeen ama iska indhatirayaan inay dadweynaha u caddeeyaan in go’aan kasta ee ka soo baxa Golaha Shacbiga uusan sharci aheyn haddii aan Aqalka Sare la ansixin, Madaxweynaha saxiixo, kaddibna lagu soo saaro faafinta rasmiga, kaddibna loo sameeyo xeer iyo habraac fulintiisa. Dhammaan tallaabooyinkaas waxay ka mid yihiin sida sharciga sharci ku noqon karo oo dadka lagu dhaqi karo.
- 2. Waxay ka gaabiyeen inay mar kasta dadweynaha xusuusiyaan in mudda xileedka Barlamaanka Federaalka oo ka kooban labo Aqal. dhammaaday 27 disember 2020, awood sharci ah u laheyn inuu shiro, soo saaro sharci iyo go’aammo kale sida ku cad qodobbada 60 ee ku saabsan muddo xileedka iyo 67 ee ku saabsan kala dirista Golaha Shacbiga marka ay dhammaato muddo xileedkiisa. Ma jiro qodob sharci ah iyo dhaqan barlamaan dimoqradi ah ee Golaha Shacbiga u oggolaanaya inuu kororso muddo xileedkiisa, afduubo Ummadda Soomaaliyeed. Doorashada waa xaq shacabka Soomaaliyeed gaar u ah.
3. Waxaa been ah in dalka ka dhacayso “firaaq dastuur” haddii Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka joojiyaan shaqadooda marka ay dhammaato muddo xileedkooda sida ku cad qodobbada 60, 67, 90 oo ah kala saabsan muddo xileedka BF, diridda Golaha Shacbiga marka ay dhammaato muddo xileedkiisa, muddo xileedka Madaxweynaha iyo 103 ee ku saabsan Xukuumadda xilgaarsiinta oo markhaati u ah inuusan jirin “firaaq dastuuri ah.” Waxaa la yaab leh in warbaahinta faafineyso beenta kuwa ka soo horjeeda ilaalinta dastuurka iyo ku dhaqanka nidaamka wanaagsan ee dowladnimo.
4. Waxaa ka daran in warbaahinta kor ku xusan faafinayaan beenta ku saabsan in barlamaanka federaalka ansixiyay sharci doorasho hal qof iyo hal cod (HQHC). Waa waajib saaran Warbaahinta inay akhriso sharciga la ansixiyay, ku dhisan 4.5, kaaso ka soo horjeeda doorashada HQHC oo xisbiyada badan. Waxaa kaloo arrintaas ka daran shaqada la tashi, sharci, xeer, habraac, maamul, iyo farsamo ee loo baahan yahay xaqiintooda si loo diyaariyo doorasho HQHC oo xasillooni darro dalka ka abuurin. Fiiri shaqooyinka ku qoran 111G ee guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka heer federaal laga rabo fulintooda kaddib marka hay’adaha ku shaqada soo diyaariyaan. Weliba shaqada waxaa ka dhimman faahfaahin badan. Xilka warbaahinta ma ahan inay faafiyaan beenta, aqoon darrada, afminshaarnimada Xildhibaannada iyo siyaasinta qaarkood oo caado ka dhigtay inay cuskadaan sharci iyo qodob aan jirin ama sharci aan si dhamneystiran looga tarjumeyn ama loo fahmin.
5. Waxaa fadeexo ah in guddoonka Golaha Shacbiga qabanqaabiyo dood ku saabsan qodobka 47 ee ku saabsan doorashada iyo Xisbiyada ayadoo Golaha Shacbiga muddo xileedkiisii dhammaaday. Lama joogo waqti laga hadlo qodobkaas, waana xilkasnimo xumo iyo ciyaal suuqnimo in shacabka Soomaaliyeed lagu jaahwareeriyo dood aan asaas sharci ah laheyn. Waxaa muhiim in qodobka 47 lala akhriyo qodobbo badan ee dastuurka kmg, la tixgeliyo waqtiga iyo marxaladda siyaasadda la marayo.
Qodobbada u baahan tixgelinta waxay kala yihiin:
•qodobka 86 ee ku saabsan duridda sharciga. Maqnaanshaha Maxkamadda dastuuriga waa inay guddoonka Barlamaanka federaalka ku khasbeysa inaan Barlamaanka la horkeenin sharciyo dhalinaya khilaaf iyo muran dastuur ama heshiin siyaasadeed la’aan, iyo kicinta khilaaf siyaasadeed cusub.
•Lifaaqa C ee dastuurka oo caddeynaya in Barlamaanka federaalka uusan ka doodi karin qodobka 47 haddii aysan ka horreyn heshiis siyaasadeed ee dhexmara DF iyo DG. Isla lifaaqa wuxuu sheegaya in inta aan laga hadlin 47 loo baahan yahay in laga doodo qodobka 22 oo ku saabsan qaababka ka wada qaybgalka siyaasadda ( the right of political participation).
•qodobka 111G (1,2,3).
Waxaan u soo jeedinaya warbaahinta xorta ah ee kor ku xusan inaysan ka qayb qaadan faafinta beenta iyo jaahwareerinta shacabka Soomaaliyeed oo maanta i taal daran, haseyeeshe halgan adag ugu jira dib u kasbashada midnimadiisa iyo dowladnimo karti leh oo sharciga hoggaaminayo.
Dr. Maxamud M Culusow