Dadka hor taagan cadaalad u helida Ikran Tahliil.
Waxaa caqabado waaweyn ku haaya cadaalad u falka Case Ikran Tahliil dad uu ugu horeeyo Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Farmaajo iyo dhowr shaqsi oo ugu horeeyo Taliyihii Hore ee NISA Fahad Yasin.
Waxaa sidoo kale caqabadaha dadka ku haya ka mid ah oo si cad u sheegtay Ikran Hooyadeed Qaali Guhaad iyada oo TV ka hor sheegtay laba nin oo Xildhibaana ah midna ay xigta yihiin Farmaajo kan kalena Fahad. Labadaas shaqsi oo ah Xildhibaan Cabdi Raxmaan Dheere iyo Xildhibaan Abdishakur Cali Mire.
Waxaa si hoose ugu hadleynaa sababaha ay qolooyinkaas u hor taagan yihiin in Arrinkaas Hore loogu socdo gal maxkamadeedkii ay reer Tahliil ka furteen Maxkamada military.
Tan kowaad waxay aad u ilaalinayaan in arrinkaas dilka oo ku qotoma Fahad Yasin ay waxay qaadataba in la ilaaliyo inuu Maxkamad hor istaago haddii ay dhacdo in Fahad dembiga lagu helo isagana wuxuu fashilinayaa falal dembiyeed iyo dilal kale oo qorsheysan ay dhamaantood wada sameeyeen lagana wargeliyay Farmaajo markii la fuliyay
Arrimahaas waxaan ugu weyn dilkii loo geystay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banadir Engineer Yarisow oo markii ay Western Intelligence ay baareen ay ogaadeen in CCTV cameras la sii dimiyay dhowr maalmood ka hor sidoo kale aysan jirin cid isku qarxisay laakiin Air Conditions ama qaboojiyiyaalka loogu xiray qaraxa arrinkaas waxaa ogaa laba nin oo Somaali ah oo labadaba si cajiib ah loo dilay mid wuxuu ahaa agaasimihii waaxda Shaqada. ee Gobolka Banadir oo lagu dilay qarax qorsheysan kan kale wuxuu ahaa nin AirPort consultant ka ahaa deganaa Xalane dhexdiisa oo inta Hotelkiisa loogu tagay cuntadiisa la sumeeyay oo isla markii halkaas ku dhintay oo markii dadkiisii codsadeen in loo baaro laga diiday.
Tan labaad labada Xildhibaan Abdishakur Ali Mire iyo Abdurahman Dheere waxay sameeyaan lacaga Dollars been abuurka ah ama lagu yiraahdo afka qalaad Counterfeit currency.
Waxaa sidoo kale jirta in lacagta Dollars ay dhaqaan labada Xildhibaan oo gabar u dhaqda ayaa jirta oo iyaga iyo Alshabaab gabartaas ayaa u wada dhaqda oo AirPort Mogadishu si wada jir ah ayay ugu soo wada dejiyaan. Gabadha waxay deganaan jirtay Xamar gaar ahaan degmada XamarWeyne bal iyada oo nafsadeeda ugu baqday labada qolo ay lacagaha u dhaqda inay ku dhex dilaan Xamar ayay u carartay Kenya inay ka Ag dhawaato familkeeda.
Arrimahaas counterfeiting waxaa ku shaqa leh US Secret Services oo meel walba addunka la socdo kana war haaya shaqada ay si wada jir u sameystaan Fahad Yasin, Abdurahman Dhere iyo Abdulshakur Ali Mire.
Waxaan rajeyneynaa in dadaalka u wado Raisal Wasaare Rooble iyo International community iyo Dhamaan ummada Somaaliyeed ee cadaalada loogu raadinayo Ikran Tahliil inuu guuleysto.
Ali Ahmed