Damaca Dabageed iyo Dabagediska Beelaha Xawaadle
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka lagu muransan yahay ee Hirshabelle ayaa wuxuu wadaa Qorsho qalafsan oo qatartiisa leh taas oo uu doonayo inuu ku qanciyo jufadiisa hoose oo ka mid ah beelweynta Xawaadle ka sii ah Dige Samatalis kana sii Beesha Cali Madaxweyne isaga oo rabo in Kursi aqalka sare ah uu ka wareejiyo Beesha Cabdale Samatalis hadda ugu fadhiso saami qeybsiga Beesha Xawaadle iyada oo Beesha aaminsan in wax badan oo xaquuq ah kaga maqan tahay Beesha uu ka soo jeedo Dabageed.
Beesha Cabdale oo aaminsan in ay ku dulman tahay awood qeybsiga beelaha Xawaadle dhexdooda oo sidoo kale ay aaminsan tahay in Beelaha kale qaar badan ay iyagana ku dulansan yihiin.
Beesha Cabdale Samatalis oo ka kooban afar beelood ayaa Xawaadle badan oo aan aqoon duruqsan u lahayn sida Dabageed iyo Madaxweynihiisa Guudlaawe ay ka dhaadhacsan tahay in Beesha ay la eg tahay amaba ka yar tahay jufada dabageed sababta oo ah waxay u qaateen aamusnaanta Beelaha Cabdale Samatalis inay tahay Daciifnimo iyo yaraan aad ubadan iyo qaar badan baa aminsan in Beesha aysan hubeysnayn oo aysan lahayn wiilal dagaalama sidaas ayaa xisaabta Dabageed iyo juhaala kale oo badan ay aaminsan yihiin.
Beesha Cabdale Samatalis oo ah beel degta Hiiran degmo walba iyo labada Shabeele, Jubooyinka ayaa inta badan waxay ku andacoodaan marka Xawaadle uu diyada Ugaaska bixinaayo inay iyaga bixixyaan 40% oo sidoo kale Beesha Dige ay bixiso 60%
Marka ay timaado wax qeybsiga siyaadsadana aysan helin xitaa 10% oo ay u sabab tahay in sad bursi badan ka dhex jiro beesha dhexdeeda oo waxay Barlamaanka ku leeyihiin 1 Xildhibaan iyo 1 Senator halka ay Beesha Dige leedahay 5 Xildhibaan, Madaxweyne ku xigeen, Gudoomiye Gobolka, Mayors, Wasiir, Xoghayaha Gobolka Banadir iyo Safiiro.
Dadka qaar baa aaminsan in lagu kala badan yahay diyada laakiin dhamaan Beelaha Xawaadle oo Idil cid walba iyada ayaa baxsata diyadeeda oo cid kaga badan cid kale ma jirto
Waxaa inta badan laysku qaldo waa tan marka Ugaas Xawaadle la duubayo oo ay Dige iyo Cabdale u kale qeybsadaan 60/40
Marka dhinaca cadaalada wax laga fiiriyo waxay ahayd in Xawaadle dib isugu noqdo oo dhalyo wax lagu qeybsado inta laga gaarayo hal cod hal qof doorasho ah.
Dadka qaarna waxay aaminsan yihiin in xilalka loo kala badsado sida ay Beelaha ay u kala hub badan yihiin ama ay u joogaan checkpoints ama isbaarada dadka iyo baaburta looga qaato lacagaha xad dhaafka ah.
Dabageed oo ah nin aan aqoon lahayn ayaa isagana ka dhaadhiciyay dad sidiisa oo kale oo aqoontooda hooseyso in 80% jufadiisa ay ka yihiin Xawaadle oo uu Xawaadle ku qasban yahay inay dhageystaan isaga oo xitaa mardhaw laga soo wariyay inuu yiri waa ka awood badana yahay Ugaas Yusuf waa wiil yar oo waxba ogeyn igalama hadli karo Arrimaha Xawaadle.
Dadka qaar qaraabada la ah Dabageed ay inta ay u caqli celin lahaayeen waxay ku sii hogaamiyaan jid aad u qaldan iyaga oo ku leh waxaan nahay Super Power oo 1960s aan lahayn laba Xildhibaan laakiin inta badan ma ogo taariikhdii hore oo ay Beesha Cabdaleba qaasatan Xasan Maxamed ay yeelan lahayd laba Xildhibaan oo labadiiba ku soo baxeen laakiin mid looga saaray 13 cod arrima siyaasadeed darteed iyo Beesha Cabdale oo yiraahdo waxaan lahayn General ugu horeeyay Xawaadle sidoo kale waxaan Xamar ku kulminay 3 Gudomiye Gobol oo kala ahaa Gobolka Hiiran, Gobolka Banaadir iyo Gobolka Bay iyo Bakool oo intaba ay ka soo wada jeedeen Beelaha Cabdale iyo taariikh kale oo badan.
Gunaanadkii Beelaha Cabdale waxay wacad ku mareen in haddii kuraastooda la soo haweysto in aan magac dambe oo Xawaadle waxba lagu qeybsan doonin oo Dabageed u magacaas cidna ku meteli doonin inta aan ka ahayn jufadiisa hoose.
Waxaan ku talin lahaa in walaaltinimada iyo wadajirka Xawaadle la ilaaliyo oo aan dad walaala ah aan dhexdooda Colaad lagu abuurin iyada oo laga diktoonaado damaca aan waxba faaido ah ka soo aruureynin.
Abdiaziz Amalo