African watchdog
2 min readJan 20, 2022

--

Dhaldhalaalka Japan dhab ha moodin oo la mid ah Heshiis Farmaajo dhab ha moodin.

Somaalida ayaa in muda ah waxay istaacmaali jireen baaburta Talyaaniga qaasatan FIAT oo looga bartay inay yihiin baabuur adag oo waqti badan shaqeyn kara ka dib Sanada ka dib ayaa waxaa soo gaaray Somalida baabuurtii Japan lagu sameynayay oo ay ahaayeen baabur aad u qurux badan oo si aad ah u dhadhalaalaya oo waxaa aad loo iibsaday baaburtii Japan ka dib in mudo yar ka dib waxay dadkii arkeen in baaburtii aysan u adkeyn sida kuwii talyaaniga ah oo in mudo ah u shaqeyn jiray oo aysan isku haleyn karin ka dib ayaa soo baxday halhays caan noqotay oo la yiraahdo Dhaldhalaalka Japan dhab ha moodin oo ay ula jeedeen ma aha wax la isku haleyn karo waa dhalanteed.

Waxaa hadda lagu arkay masraxa siyaasada Madaxweyne aan hal heshiis weligiis ka dhabeyn oo siyaasadii ka dhigay mid balan aan been ahayn ma ogiyee oo waxba run ah aysan agtiis oolin iyo sidoo kale in sidii baaburtii Dhaldhalaalka oo kale uu dadkii u tuso dhaldhalaal siyaasadeed oo been abuur ah

Hadda waxaa Dhaldhalaalkii siyaasada ugu dambeeyay Xamar loogu soo casumay General Xuud oo loo balan qaday cabashadii Reer Hiiran in la xalinayo oo waxa ugu yar ay tahay in Farmaajo uu qoro warqad ah in dib loogu noqonaayo dhisidii Hirshabelle Dawlada hadda waqtiga hadda ka dhamaaday iyo mida iiman doonta oo haddii warqadaas loo qoro waxaa lagu qasban yahay in arrinkaas dib u egis lagu sameeyo.

Waxaa sidoo kale dad badan ay hoos ugu guuxayaan in Generalka hoosta looga xiri karo Hotelka uu ka degan yahay Muqdisho oo waqti dhawba la arki doono heshiiskii oo looga baxay.

Heshiis Farmaajo dhab ha moodin waxaa ka arki kartaa inta mar uu heshiis jebiyay wuxuu heshiis la galay Raisal wasaarihisii Rooble oo ay si hoose u wada shaqeynayeen isaga uunba dhabarka ka toogtay heshiiskii iyo Somaali badan oo aan halkan ku soo koobi karin.

Dhaldhalaalka baaburta Japan waxaa farsamadeeyo shirkado badan oo kala ah Toyota, Nissan, Honda, laakiin dhaldhalaalka siyaasada Farmaajo waxaa farsameeyo shirkad yar oo ku taala Qatar oo uu masauul ka yahay wiil yar oo Somali ah la yiraahdo Fahad Yasin.

Waxaa Allaha awooda leh ka rajeynaynaa in Somalia ay hesho Madaxweyne daacad ah oo aanan ahayn Farmaajo iyo kuwi hore u soo lugooyay Somalia iyo mid beenta ku yar tahay oo heshiisyada aan ka bixin lagana soo farsameyn waddama kale oo inuu noqdaa Somali product.

Abdiaziz Amalo.

--

--