African watchdog
2 min readMay 29, 2021

Dhalinyarooy soo erya lugooyada Xawaadle.

Waxaa la joogaa waqtigii dhalinyarada kacdoonka ka sameyn lahayd Gobolka Hiiran qaasatan Magaalada Beletweyne oo la filayo mardhaw in ay doorasho ka dhacdo mudo dhaw. Waxaa wanaagsan siyaasintii fashiliyay Xawaadle oo dhamaantood aan lagu soo dhaweyn magaalada oo intaad is biirsataan idiinka oo jufo jufo isku kala saarin aad sameysaan shirar aad ugu dhaadhicisaan ergada inaysan hal cod siinin Xildhibaanadii Hore dhamaantood iyo kuwii hore xilal u soo qabtay balse soo fashiliyay mustaqbalkii Xawaadle.

Waxaan ognahay inta maanta xilalka ay heysa ay dhamaantood nolol iyo mustaqbal wanaagsan ay u sameeyeen caruurtooda waddanka dibadiisa aysan wax u qabanin hal maalin deegaan doorashadooda oo waxaa marqaati kugu filan fatahaadihii is daba xigay iyo sidii Hirshabelle loogu bahdilay Beeleeynta Xawaadle oo maanta ma haysataan Madaxweyne ama Magaala Madax oo waxaan aragnaa kuwa taagersan sida ay wax u sameysmeen. Waxaa kale oo aad ogaataa inta badan siyaasiinta loolanka hadda kuwada jirta oo doonaya inay dib u laabtaan ay qorsheeyeen in doorashada ka dhacdo Jowhar oo ay guryo iyo Hotela ka kireysteen laakiin Nasiib wanaaga waxaa dhacday in Beletweyne lagu sameeyo doorashada.

Waxaa meesha kaaga cad xitaa inaysan u ogoleen in Beletweyne ay hesho dhaqaalahaas doorashada loogu tala galay oo marka ay u yar tahay Waxaa magaalada soo galaya dhaqaale kor u dhaafaya $5 Million Dollars.

Dhalinyarada iyo cuqaasha ama ergooyinka la soo xuli doono haddii aad rabto mustaqbalka dadkaaga iyo gobolkaaga ha dooran siyaasiin Hore u fashilmay oo aan dooneynin inaad hor marto oo jecel inuu noqdo isaga keliya cidda lagala hadlaya Arrimaha gobolka taas uu ku doonayo in xoolo adduun ku iibsado mustaqbalkaaga dhaw iyo kan fog.

Culumada waxay tiraahdaa haddii aad doorato qof aad ogtahay inuu qiyaameynayo ummadda oo aad lacag ama jufo jeceyl ku doorato inaad adiguna aad leedahay dembi walba uu siyaasigaas galo xag Allah iyo mid beni aadam.

Waxaan kale oo muqadas in Ugaaska Beesha Xawaadle looga dambeeyo dadka ay soo xulayaan jufooyinka sidoo kale isaga inuu lahaado labada Senator nominationka oo uusan lahayn Ali Guudlaawe.

Waxaan aragnay kuwa Masauliyad aysan u qalmin si qaldan u soo qabtay oo boorsada u qaadaya Cali Guudlaawe si ay kursi ugu helaan.

Dhalinyarooy soo erya Boorsa qaad, faciis tuug iyo kaba qaad siyaasi ah.

Abdiaziz Hassan Giyaajo Amalo.

No responses yet