
Hamiga Ahmed Madoobe iyo Guudlaawe ee Halka magaalo degaan doorasho oo aan Shaqeyn doonin.
Waxaa la sheegay in isbahaysi ay sameysteen labada Hogaamiye ee Jubaland iyo Hirshabelle oo ku saabsan in doorashada laga dhigo ama lagu koobo hal magaalo si ay u maamulaan Xildhibaanada ka soo baxaya labada Magaala oo aan laga taagersaneyn maamuladooda taas oo la macna ah in iyaga ay soo xushaan cidda ku soo baxeysa xildhibaanimada taas oo la mid ah arrinka uu doonayay Farmaajo inuu ku afduubto doorashooyinka lagana diiday oo arrimahaas oo dhan marka laga fiiriyo dhinaca international standard waa waxa loogu yeero musmaasuq ama corruption oo marka laga eego deeq bixiyaasha ama International partners oo qolada bixineysa qarashka ku baxaya doorashada Somalia
Tan labaad waxaa lagu heshiiyay in aanan heshiisyadii September 17 iyo May 27 aan waxba laga bedeli karin taas oo ah arrima lama taabtaan ah oo haddii wax lage bedelo ay suuragal tahay in ay adkaaneyso in ay doorasho la wada ogol yahay ay dhacdo.
Arrinkaas mar wax laga weydiiyay Safiirada ugu tun weyn haddii ay suuragal tahay in wax laga bedeli karo heshiisyadii ayuu wuxuu ku jawaabay inaysan marnaba ogolaaneynin oo ciddii isku deydana ay u aqoonsanayaan Qas wadayaal ama Spoilers oo la geli doono Sanction ama blacklisted taas oo haddii qofku galo lagala wareegi karo hantidiisa iyo aanan cidna la macaamiloon karin.
Tan Sedexaad haddii Heshiiska wax laga bedelo waxaa suuragal ah in ay tagto gacan ka hadal ama dagaal ay soo abaabulayaan ganacsatada ku tala gashay in magaaloyinkooda ay ka faaideystsaan lacagta doorashooyinka loogu tala galay in lagu qarash gareeyo taas oo lagu qiyaasay in ay ay geli doonto Magaala walba oo doorasha lagu qabanayo lacag ka badan $10 Million Dollars oo ah guryaha la kireysanayo, Hotelada, Maqaayadaha iyo wax walba oo ay iibsanayaan dadka magaalada imaanaya.
Markaa aad fiiriso Arrimaha kor ku xusan oo dhan marna suuragal ma noqon karto in Doorashada ay ku koobnaato hal maagalo laakiin waxay noqoneysaa isku day wanaagsan ay sameeyeen labada Hogaamiye oo isbaheysiga sameystay.
Abdiaziz Amalo