African watchdog
3 min readFeb 26, 2021

Heshiiskii Decale Hotel yaa ka dambeeyay.

Heshiiskii Hotel Decale oo ahaa Raisal wasaare Rooble oo ku metelayay magaca Dawlada iyo Musharixiintii Madaxweyne oo dhamaantood ka soo wada jeeda hal reer.

Waxaa heshiiskaas uu ahaa mid afka qalaad lagu yiraahdo face saving in wejiga la ilaalsado.

Haddii aan gudaha u sii gala labada qolo oo masiirka isku heysatay oo aan ka bilaabo dhinaca Dawlada.

Tan kowaad waxaa culeys badan ay Beesha Caalamka saartay Prime Minister Rooble oo ay si toos ay ugu yiraahdeen shaqada doorashooyinka iyo geedi socodka waa inaa si toos ula wareegtaa oo International Partners mar dambe kalama xaajoonayaan arrimahaas Madaxweyne Farmaajo maxaa yeelay waqtigii wuu ka dhacay isla markaa waa Musharax Madaxweyne oo dhexdhexaad kama ahaan karo arrimahaas waxay kale ay u sheegeen inay si dhaw ula socdaan in isaga markii shaqda la siinayay lagula heshiiyay inuu magaca keliya uu ka yahay Raisal Wasaare laakiin shaqdiisa uu heysto Taliyaha Nabad Sugida sidaa darteed ay ku yiraahdeen haddii lagula soo farageliyo shaqadaan geedi socodka iyo doorashooyinka in talaaba adag ay qaadi doonaan oo aan farxad gelineynin Farmaajo iyo Fahad Yasin.

Waxaa kale oo Raisal wasaare Rooble la faray inuu si degdeg ah ula fariisto Mucaaradka Musharixiinta oo isaga ku reerka ah sida ay warka u dhigeen oo arrinkaasna si nabadgelyo ah loo xaliyo iyo waxaa kale oo lagu yiri Madaxweynayaalka Puntland iyo Jubaland la fariiso cabashadoodana xali si is afgarad ah.

Waxaa kale oo fariin adag loogu sheegay haddii dagaal uu ka dhaco Xamar in Dawlada Mareykanka ay talaaba qaadeyso taas oo in muda ah ay diyaarineysay dadka ay cuna qabateynta saareyso iyada oo aan saxaafada lala wadaagin.

Tan labaad waa Musharixiinta Madaxweyne iyagana qaar ka mid ah ayaa si gooni gooni loola xiriiray iyaga oo loogu goodiyay in haddii banaanbaxa ay sameynayaan hal ruux ku dhaawacma oo iyaga iyo Dawlada ay masauuliyada wada qaadayaan.

Musharixiinta Madaxweyne waxaa Zoom meeting la galay saraakiil UN oo iyaga u sheegay in Farmaajo awoodiisa la qafiifinayo shaqada waxaa toos u socodsiinaya Rooble iyada oo Musharixiinta qaar ay shaki ka muujinayaan in Rooble uu yahay Campaign Manager oo Farmaajo uu si hoose ula shaqeynayo arrinkaas ma farxad gelinin Musharixiinta oo waxay aaminsan yihiin inuu yahay system aan la isku haleyn karin.

Tan Sedexaad Waxaa culeys badan saarnaa labada dhinac ciiddamada ay isticmaalayaan

Ciiddamadii ay mucaaradka ay isticmaalayeen waxaa inta badan ay dawlada musuqmaasuqday saraakiishii hor kacayay oo la siiyay lacag aad u tira badan si aynan u difaacin mucaaradka oo ay faarujiyaan meelaha Musharixiinta Madaxweyne ee Mucaaradka ay joogaan taas oo sababtay in Musharixiinta Madaxweyne ay Heshiiska Decale si degdeg ah u qaataan ( Face Saving)

Dawalada waxay furimihii dagaalka ka soo saartay Ciiddamadii difaaca ugu jiray dagaalka nabad diidka oo wax ciiddan ah ma joogo furimihii dagaalka sidaas ayaa qaraxyada u badan yihiin magaalada Muqdisho maalmahan oo Farmaajo wax dan ah kama laha dadka ku dhimanaya qaraxyada iyo cudurka saf mareenka Covid-19 oo waxaa isbitaaladii Xamar laga la’a yahay Oxygen machine oo 1 qori AK47 askariga sito waxaa lagu iibin kara 5 Oxygen Machine.

Ariinkaas waxay ka careysiisay Dawlada Mareykanka iyadana cadaadis ku saartay in ciiddamada uu Turkiga tababaray iyo dabaabyada dib loogu celiyo meelihii laga kala soo saaray.

Waxaa kale oo culeys ku yimid Dawlada Turkey oo ay Somali American Diaspora u direen warqad lagula socodsiiyay in cid walba oo ay wax yeeleyaan lagu dacwadeyn doono Dawlada Turkish Maxkamada caalami ah.

Waxaa kale Ilaahay mahadiis ah in dadkii walwalsanaa oo ka baqdin qabay in korkooda lagu dagaalamo ay arrinkaas istaagtay oo Waxaa halkaas ay dadkii xaqiiqsadeen in labada qolo oo is haysata oo ay keliya isku haystaan kursiga yaala Villa Somalia oo Farmaajo isku dhejinaayo halka kalena ay ku cararayaan rag hore ugu soo fariistay iyo kuwa masauliyada kale soo qabtay.

Somalia ha Nolaato

Abdiaziz Amalo.

No responses yet