African watchdog
2 min readFeb 6, 2022

--

Isximbaarkii. Guudlaawe lagu geeyay Beletweyne

Waxaa Farmaajo uu qorsheynayay in uu kala jebiyo kacdoonka Hiiran uu qaar ka mid ah keenay Muqdisho ugu horeeyo hogaamiyahoodii General Xuud oo isla maalinkii uu yimid loo dib maray Beletweyne laga dijiyay laba ciiddan oo ay kala leeyihiin Farmaajo iyo Fahad oo ciiddamadaas weligood lama dagaalamin nabad diidka waxaa keliya oo loo sameystay inay tahay in lagu caburiyo dadka ka fikir duwan iyo in lagu boobo doorashooyinka.

Labada ciiddan oo kala ah Gorgor uu leeyahay Farmaajo isaga oo inta badan ciiddamada iyo taliyayaashooda ka dhigay dad ku heyb oo aad ugu dhow oo waxaa la siiyay qalabkii ugu Cuslaa ee lagu qalabeyn lahaa ciiddamada la dagaalama nabad diidka.

Ciiddanka Fahad waa Haramcad oo marka afka carabiga loo turjumo noqda Fahad waa ciiddan uu magaciisa siiyay ciiddamadan iyagana waxay ku qalabaysan yihiin hubka culus

Ciiddamadan intooda badan waa dhalinyaro ka tirsan ururka Alshabaab oo sida la soo werinaayo markii ay Beletweyne tageen inay salaan ugu tageen Alshabaab degan magaalada beletweyne banaankeeda oo ay halkaas waqti kula soo qaateen.

Waxaa sidoo kale arrinkaan isximbaarka Guudlaawe gacan weyn ka geystay Ciiddama Ethiopian ah oo taliyayaashooda la siiyay lacag gaareysa $250,000 oo hadda ka hor sidaa oo kale lagu sameeyay ciiddamada xasuuqay Reer Baydhabo doorashadii Lafta Gareen halkaas oo taliyihii Ethiopian waqtigaas la siiyay $150,000

Guudlaawe oo kaga faideysanaya in uu mar tago ayaa ka codsaday in Farmaajo uu si isximbaar ah u geeyo Beletweyne isagana uu taa bedelkeed u soo hormarin doono 5 kursi uu ku jiro mid ka Fahad Yasin ee lagu qaban doono Beletweyne.

Guudlaawe oo aminsanaa in tegida maanta Beletweyne ay u fududeyn doonto inuu Qandaraasyadii Hiiran dib u furan karo laakiin maanta dhowr Hoobiye oo lagu garaacay Airport ayaa waxaa loo dan lahaa in la tuso UN degan xerada Xalane labaad er Beletweyne in laga taagersaneyn magaalada oo wax heshiis ah aysan jirin isaga iyo dadka ka soo horjeeda

Arrinkan isximbaarka uu ku tegay Beletweyne oo diyaaradiisa laba mar laga celiyay Hawada ayaa waxay gaarsiisay in ay dhaawacdo rajadiisii sii ahaanshaha Madaxweynanimo maxaa yeelay Madaxweyne ay gelbinayaan Ethiopian oo baaburtooda gadaal ka saaran ma hogaamin karo shacab si dirqi ah loo marsiiyay waddoyinka.

Waxaa isximbaarka Guudlaawe ka dib dhici doonta in kuraasta badan ay xoogaan Farmaajo team taas oo dhabar jab ku noqon doonta Musharaxiinta Madaxweyne ee si aad u taagersan Guudlaawe sidoo kale waxaa dhici doonta in Kacdoonka ay iyagana kuraas ay halkaas ka helaan.

Waxaa Doorashada ka dib dhici doonta in gebi ahaanbo Hirshabelle burburto oo Dawlada cusub ay ku adkaan doonto in dib la isugu soo celiyo labada gobol oo Mid walba dantiisa u taagnaadaa.

--

--