Musuqmaasuq Shalay iyo kan Maanta Beileh
Waxaa inoo suuragashay maanta inaan wax yar oo kooban kaga hadalno musuqmaasuqa Wasiirka Maaliyada Mr. Beileh oo ah nin weligiisba aan ka marneyn musuqmaasuq oo ay ugu horeyso waagii uu joogay African Development Bank isaga oo lacag development loogu tala galay ay lahayd Dawlada Djibouti ay si musuqmaasuq ah uga qaateen African Bank Development oo uu fududeeyay Madaxweyne Ismail Omar Geele oo ay qaraabo hoose ka yihiin dhinaca hooyada lacagtaas oo qaar ka mid ah lagu iibiyay Daar ama Building aad u weyn oo ku yaala Magaalada Abidjan, Cote D’Ivory waxaa Daartaas weyn oo sawirkeeda ka muuqda halkan lagu iibiyay Magaca Wasiir Beileh uu isaguna ka kireeyay Safaarada Mareykanka.
Beileh wuxuu ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Dibada Dawladii Hassan Sheikh Mohamud oo waqtigaas wuxuu shaqaaleeyay dhalinyaro badan oo ay isku heyb yihiin kuwaas oo uu siin jiray laba mushaaradood mid Wasaarada Arrimaha Dibada iyo mid Safaaradaha caalamka ay ku leedahay Somalia.
Waxaa dhacday waqtigaas wiil uu Adeer u yahay inuu ku yiri la carar boorso ay ku jirtay lacag dhan $500,000 oo ay Wasaarada lahayd ka dib ayaa la ogaaday waxaa lagu qabtay wiilkii Turkey, Istanbul oo lagu xiray airport laakiin Beileh wiilkii wuu damiintay wuxuuna u tahriibiyay UK, London oo wiilka degan yahay ilaa waqtigan la joogo.
Beileh wuxuu noqday Wasiirka Maaliyada ilaa waqti xaadirkan wuxuu sii balaariyay howlihiis musuqmaasuq oo ay ugu horeyso Tenders ama contracts wasaarada hoos yimaada kuwaas uu toos u siiya rag isaga u dhaw ama la qaraaba ah Farmaajo.
Beileh wuxuu aad u musuqmaasuqay ganacsatadii qaadka oo uu ku dhex sameystay ganacsato uu si sharci dara ah qaadka u keento oo 21 shirkadood ee ka jiray magaalada Muqdisho wuxuu ku qasbay inay canshuurta iyo qarashka diyaarada ka bixiyaan ganacsatadii uu isaga sameystay ilaa markii dambe uu Xasan Farmaajo uu ka dhaadhiciyay in uu sameysto license isaga keliya u xiran oo Ethiopia ah lana joojiyo kii Kenya oo uu Beileh ka heli jiray bil walba $700,000 maxaa yeelay Ganacsatada Somaliyeed ee Qaadka waxay bixin jireen canshuur ah $1.3 Million Dollars bil walba laakiin qasnada Dawlada Waxaa ku xaroon jirtay keliya $600,000.
Qaadka Ethiopia waxaa ka soo xarooda bil walba $1.8 Million Dollars oo waxaa qasnada Dawlada ku xaroota $200,000 waxaa Wasiir Beileh uu qaataa $300,000 sidoo kale dad tira yar oo ay ka mid yihiin siyaasiin Reer Mogadishu iyo malaaqyo waxaa loo qeybiyaa $300,000 waxaa reer Farmaajo u xaroota lacag dhan $1 million Dollars oo bil walba ah.
Waxaa is weydiineysaa muxuu Beileh ugu shaqeeyay in Qaadka kenya la joojiyo isaga oo ka heli jiray lacagta ka badan tan Ethiopia markii aan wareysanay dad xog ogaal ah waxay sheegeen in Beileh uu doonayo maalinka lagu qabsado lacagtii Qaadka kenya uu yiraahdo waxaa igula jiray Farmaajo iyo reerkiisa iyaga ayaa igu qasbay taas oo isaga yareyn karo haddii Mareykanka ay dacwad ku soo roogaan.
Beileh wuxuu sidoo kale aad u musuqmaasuqay canshuuraha ka soo xarooda Gobolka Banadir, tan airport iyo dekeda.
Beileh wuxuu si sharci dara ah ugu takri furay lacag bil walba la siiyo Civil aviation ama hayada duulista iyo hawada lacagtaas oo ay wada qaadan jireen isaga iyo Wasiirkii Hore ee gadiidka cirkel iyo Dhulka lacagtaas oo ahayd $800,000 bil walba oo qaadan jireen afartii sano ee ugu dambeysay iyaga oo waxba kala wadaagin Heyada duulista hawada.
Beileh wuxuu sameystay hanti aad u tira badan waddanka gudihiisa iyo dibada oo ay ugu horeeyaan daaraha ugu waaweyn ee ka dhistay Hargeisa iyo Boorama iyada uu ku dhisay tan Hargeisa $5 million Dollars sidoo kale tan Boorame $3.5 million Dollars
Beileh wuxuu ku iibsaday musuqmaasuqa lacagta canshuurta Muqdisho guri ku yaal Minisota oo uu ku iibsaday lacag dhan $2 million Dollars oo hadda gurigaas waxaa loogu jiraa kiro isaga oo ku kireeyay $4,000 bil walba.
Waxaa rajeyneynaa in Beileh iyo siyaasiinta isaga oo kale in aan lagu aaminin masiir iyo hanti ummadeed.
Said Faahiye.