African watchdog
3 min readAug 23, 2021

Rooble oo ku fashilmay hawshii loo idmaday iyo safaradiisii raali gelinta ( Apology tour)

Raisal Wasaare Rooble oo maalma dhoweed u muuqday nin ku shaqeynaya maslaxad siyaasadeed oo madax banaan laakiin Waxaa cadaatay in uu yahay nin ka shaqeynaya campaign ama doorashada Farmaajo iyo sidoo kale ku shaqeynaya awaamiirta Fahad Yasin oo waxaa ka garan kartaa arrimahaas oo Idil waxyaabihii dhacay maalmaha dhaw

Tan kowaad waxaa u sameeyay inuu doorashadii uu u boobay maamul goboleedyada isaga oo uu qorshihiisa yahay sedexda maamul goboleed uu Farmaajo sameystay inay soo saaraan Xildhibaano daacad u ah Farmaajo oo Waxaa arrinkaas u sahlay labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland waxaa iyagana lagu qanciyay dhowr arrimood oo ah in ay doorshada ka reebaan Xildhibaano ay colaad kala dhexeysay iyo in safar mala awaal oo lagu tegaayo Saudi Arabia laguna soo alifay Cairo oo aan dhaafsiisnayn cimrada laakiin maamul goboleedyada loogu sheegay in lacag uu Sacuudiga bixinaayo ay si wada jir ah u soo qaadayaan.

Tan labaad Rooble wuxuu safaro isdaba joog ah ku tegay dhowr wadan oo Colaad kala dhexeysay Farmaajo oo safarkaas waxaa loogu magac daray safarkii raali gelinta Farmaajo ama apology tour for Farmaajo isaga oo u tegay inuu raali geliyo wadamaadaas oo uu soo diray Farmaajo isaga oo ay la socdeen Wasiirada sida aad ugu dhow Farmaajo oo ay ka mid yihiin kan Arrimaha dibada iyo qorsheynta.

Waxaad ka garan kartaa safarka raali gelinta Raisal wasaare Rooble ma uusan ka hadli karin Arrimaha ganacsiga qaasatan kan Qaadka oo ay qasaaro weyn ka soo gaareen 22 shirkadood oo dad badan oo Somaliyeed ku noolaayeen iyada oo laga doorbiday in Farmaajo walaalkiis Hassan Farmaajo keliya uu u xirnaado qaadka Ethiopia laga keeno.

Tan sedexaad Rooble wuxuu awoodi kari waayay inuu ka hadlo ama la kulmo waalidiintii gabar dhalinyaro ah oo la sheegay inay afduubteen taliska Nabad sugida Gabadhaas oo ah Ikraan Tahliil oo Nolol iyo geeri la ogeyn meesha ay geeyeen Fahad Yasin iyo dad ku dhaw Farmaajo waxaa la sheegay in gabadhaas loo qafaashay dhowr arrimood oo ka mid ah inay wax badan ka ogeyd dilkii Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banadir Engineer Yarisow Allaha u naxariisto iyada oo si dhow ula shaqeyn jirtay sidoo kale waxay ka shaqeyn jirtay taliska NISA iyada oo lagu tuhmayay inay wax ka og tahay dhalinyaradii loo qaaday Eritrea laguna laayay Ethiopia

Arrinkaas Ikran Tahliil looma ogola Rooble inuu ka hadlo ama la kulmo reerkeeda waa awaamiirta Fahad Yasin oo taliyaha NISA isla markaana loo yaqaan milkiilaha dawlada wuxuu si dhow ula shaqeeya argigixisada caalamiga iyo Alshabaab.

Tan afaraad ee ugu dambeysa Rooble waxaa kale oo ka mamnuuc ah inuu ka hadlo Arrimaha reer Hiiran oo 10 bilood ka taagneyd diidmo lagu diiday Maamulka Hirshabelle ay soo dhiseen Farmaajo iyo Fahad oo si qarsoodi ah loo sameeyay oo inta badan Xildhibaanada Hirshabelle ay yihiin Shaqaale ka tirsan NISA oo aan metelin deegaan doorashadooda.

Rooble wuxuu awoodi waayey inuu tago Beletweyne markii fatahaada Webi Shabeele oo wuxuu safarkiisii ku soo af jaray Jowhar

Waxaa kale oo shalay ka dhacay Beletweyne in ciiddama iyo shacabkii oo is kaashanaya ay la wareegeen Beletweyne oo ay si nabad ula wareegeen arrinkaas dhaw xitaa looma ogola Rooble inuu ka hadlo oo waxaa halkaas wasiiro iyo Xildhibaano u dirsaday FAHAD Yasin oo ismooda inuu isaga maamulo maamulkaas oo Rooble wax shaqa ah ku lahayn.

Rooble oo dad badan oo Aniga aan ka mid ahay mooday marka Hore inuu yahay nin degan oo maskax madax banaan ku shaqeyn karo oo leh mustaqbal wanaagsan laakiin waxaa soo baxday inuu yahay nin lagu adeegto oo aad u jilicsan oo aan ogeyn awoodiisa dastuuriga waxay kale oo dad badan oo aad u yaqaan ka sheegaan inuu yahay nin aaminsan fikirkii Ubaxa kacaanka uu isaga nafiisa qirtay oo yiri Aniga iyo Farmaajo waxaan kawada tirsaneyn Ubixii Kacaanka oo dad badan oo reer Beletweyne ayaa waxay aaminsan yihiin in Kacaankii uu aad iyaga u necbanaa oo ay tusaale u soo qaateen sida Farmaajo uu kula dhaqmay haddana aysan wanaag badan ka raajeyneynin Raisal wasaare ka mid ahaa Ubixii Kacaanka.

Somalia ha nolaato

Abdiaziz Amalo

Sign up to discover human stories that deepen your understanding of the world.

Free

Distraction-free reading. No ads.

Organize your knowledge with lists and highlights.

Tell your story. Find your audience.

Membership

Read member-only stories

Support writers you read most

Earn money for your writing

Listen to audio narrations

Read offline with the Medium app

No responses yet

Write a response