
Safarka Farmaajo ee Congo waxaa soo abaabulay dawlada Qatar (https://www.google.com/amp/s/ewn.co.za/2021/03/30/dr-congo-s-tshisekedi-pitches-for-massive-qatar-investment/amp)
Waxaa galabnimadii Sabtida safar degdeg ah ku baxay Farmaajo oo aaday Congo iyada oo safarkaas ay soo abaabushay Dawlada Qatar oo dhaqaale badan siisay Madaxweynaha Congo Felix Tshiseked oo 29 March 2021 la kulmay Amiirka Qatar ayaa wuxuu u balan. Qaaday in uu Airports iyo maalgashi badan u sameynayo waddankiisa sidoo kale waxaa hore loo soo siiyay lacag Cash aad u tiro badan oo Tshiseked lagu wargeliyay inuu casumaad u fidiyo Farmaajo kalana shaqeeyo in African Union ay aqoonsato mudo kororsiga uu sameystay Farmaajo maxaa yeelay Madaxweynaha Congo ayaa hadda ah Madaxweynaha African Union oo haddii isaga uu suurageliyo Arrimahaas uu isla markiiba Dawlada Qatar ay maalgelin doontaa.
Madaxweyne Tshiseked ayaa wuxuu culeys badan kala kulmay mucaaradka waddankiisa iyaga oo Dawlada Qatar ku eedeyay inay tahay Dawlada aad u caawiso argagaxisada oo dad ilaa 200 qofood gaaraya oo ku dhintay Congo ay ka dambeysay argagixiso gacan saar la leh Qatar.(https://www.google.com/amp/s/ewn.co.za/2021/03/30/dr-congo-s-tshisekedi-pitches-for-massive-qatar-investment/amp)
Waxaa arrimahan si dhaw noola wadaagay Diplomacy jooga dalka Djibouti iyo Mucaaradka Congo oo ka walaacsan Arrimaha Madaxweynahooda cusub uu gacanta la galay taas oo aysan raali ka ahayn in Waddan kale oo African ah lagu dhibaateeyo magaca dawladooda.
Waxaa idinla wadaagi doonaa arrima kale ay Dawlada Qatar dooneyso inay sameyso si uu Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia.
Best,
Somali Atlantic Council
Djibouti.