
Shir jaraaidkii maamul goboleedyada oo la mid ah tii Calina saxsan Ceydiidna saxsan iyo fursado ay ka dhax raadinayaan qilaafkan.
War murtiyeedkii ka soo baxay maamul goboleedyada oo aan wax nuxur ah lahayn iyaga oo aan tilmaamin labada nin ee ugu sareysa dawlada waxa ay isku haystaan iyaga oo ay sheekadooda la mid ahayd waagii dagaalkii ahliga ay Xamar kuwada dagaalamayeen Ali Mahdi iyo Ceydiid ayaa Waxaa soo dhexgalay odayaal labadoodaba u dhexeeyay oo reer Hiiran ahaa ayaa markii ay labada dhinac wada dhegeyteen oo ay ogaadeen cid walba gardaradeeda iya markii laga sugaayay gunaanadkii ayuu wuxuu ku soo koobeen hadalkii Alina jid leh Ceydiidna jid leh.
Maamul goboleedyada marnaba aysan xusin PM Rooble in xilligan Xukuumaddiisu ay ku shaqaynayo qodobka 103-aad oo uu leeyahay awood buuxda oo xilgaarsiin. Sidaas daraadeed ay u furantahay in uu masauul ka yahay amaanka iyo dalka doorasho gaarsiiyo
Maamul goboleedyada marnaba ma xusin in Madaxweyne Farmaajo oo uu xilkiisa dhamaaday oo uu jebiyay dastuurka kana been sheegay qodobada 87,90 ee Dastuurka ku meel gaarka.
Fursadaha ay ka dhax heleen waxay tahay in maamul goboleedyada iyaguba ay doonayaan in PM Rooble ay ka maroorsadaan awoodaha xil gaarsiinta iyo Qarashaadka doorashooyinka ku baxaya inay u madax banaanaadaan iyaga oo ka dhigaya in qilaafka jira awgiis uusan Pm Rooble maamuli karin doorashooyinka iyaga oo aynan ka ahayn inay Farmaajo ugu hiilinayaan laakiin dantooda qaaska ah ka eeganaya.
Maamul goboleedyada laba ka mid ah Madaxweynayaashooda waa musharixiin heshiisna dhexdooda yaala in PM Rooble oo ah ninka ay International Partners ogol yihiin inuu doorasha xur iyo Xalaal ah qabto ay kala wareegaan awooda iyaga oo ku marmarsoyoonaya qilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Maamul goboleedyada waxay kale oo ay kaga faaideysteen in shirar bilaa macna ah ay iclaamiyeen oo ugu horeeya kan lagu qaban doono Garowe isaga oo ay iclaamin doonaan in mid kale ay ku qabsadaan magaala kale oo ka mid ah maamul goboleedyada.
Shirarkaas waxay ugu dan leeyihiin laba iyo dhowr qodob :
Tan kowaad iyaga oo dhaqaale ku raadinaya in shirarkaas ay qabtaan oo ay yiraahdaan waxaan isku soo dhaweyneynaa ama heshiisiineynaa labada Hogaamiye is qilaafsan waa Farmaajo iyo Rooble sidoo kale inay ku casumaan gudoonkii Hore ee Barlamaanka waqtiqooda dhamaaday. Waxay kale oo ay ku soo dalacanayaan qarashaad oo ay inta badan soo dalacdaan maamul goboleedyada marka ay shirar siyaasadeed ku qabsadaan magaalooyinka ka baxsan Mogadishu oo qarashaadkaas oo inta badan gaara $1-$3 million Dollars.
Tan labaad oo ugu daran iyagana fashilin doonta oo ah inay ku shiraan oo ay qoraal ka soo saaraan oo ay oran doonaan in PM Rooble uusan gaarsiin karin doorasho oo ay iyaga madax banaanaadaan habka ay doorashada u sameynayaan.
Waxyaabaha la gudboonaan doono International Partners oo iyagana aad ula socda dhaqdhaqaaqyada maamul goboleedyada oo ah in Madaxweyne maamul goboleedyada Musharixiinta ah in laga reebi doono doorashada haddii aysan is casilin ka hor inta ay soo bixin aqalka hoose
Waxaa kale oo dhici doona in lagu daro Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Qaswadeyaalka spoiler list taas oo aad u xun qofkii gala ay ku qaadaneyso inuu ka baxo mudo 10 sano ka badan.
Marka la geliyo spoilers waxaa lala wareegayaa hantida ay ku leeyihiin dacalaha adduunka haddii xitaa ay ugu qoran yihiin dad saaxiiba ah ama ahalka.
Waxaa ay dawlada Mareykanka ay aad ula socotaa madaxda Somaaliyeed lacagaha waddanka dibada iyo gudaha u yaala sidoo kale guryaha ay ku leeyihiin Turkey, Kenya, UAE. Nin walba oo ka mid ah Madaxweyne Federalka, maamul goboleedyada, Raisal Wasaare, Gudoon Barlamaan waxaa xafiisyada ugu shaqeeya dad si hoos ula shaqeeya International Partners oo ku qaata mushaarad kor u dhaafaya $30,000 bil walba.
Dadkaas oo qaar ka mid ah familka madaxdaas oo si dhaw ula socda meel walba oo ay hanti ku leeyihiin.
Waxaan sugnaa mardhaw dagaalkii ugu dambeeyay siyaasada iyo liiska cusub ee qaswadeeyaalka spoiler list.
Abdiaziz Amalo.