
Sidee loo xalin karaa Khilaafka Hirshabelle Laguna qanci karaa.
Sababta ay reer Hiiran qaasatan Beesha Xawaadle ay u diidan yihiin Hirshabelle cusub waa mid la xiriirta in Dowlada Somalia ay sameysay in Madaxweynaha iyo Caasimada maamulka cusub ay isugu darto Beesha Abgaal.
Arrimaha ugu sahlan ee loo xalin karo khilaafkaas ragaaday waa sida tan.
Marka Hore waa in Barlamaanka Hirshabelle la fariisiyo oo ay diyaariyaan qorshe lagu ansixiyo in Magaala madaxdii Hirshabelle loo bedelay magaalada Beletweyne isla markaana uu Madaxweynaha ka soo saaro decree ah in sharcigaas uu dhaqan galay.
Tan labaad waa in. Beesha Xawaadle dib loogu celiyaa doorashada Madaxweyne ku xigeenka si ay ula yimaadaan Musharaxiin kooban oo ay ku qanacsan yihiin metelaada cidda ku guuleysata maxaa yeelay Madaxweyne ku xigeenka hadda jooga ma’aha nin ay Beesha ku qanacsan tahay oo ugu horeeyo Ugaaska Beesha Xawaadle oo sida la soo wariyay in isaga iyo Dabageed uu xiriirkooda aad u xun yahay markii Dabageed uu Ugaaska kula hadlay qadka telephone hadalo aan ixtiraam mudneyn.
Tan Sedexaad waa in wixii jagooyin ah ay Beesha Abgaal haysatay markii ay ahayd Madaxweyne ku xigeenka ay ku soo wareejiso Beesha Xawaadle jagooyinkaas oo inta badan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyayaasha ciiddamada military iyo police IWM.
Tan afaraad haddii arrimahaas kor ku xusan. lagu heshiin kari waayo in Gobolka Hiiran uu keligiis is maamulo mudo 2 sana ah si qabaailada wada dega ay ugu tashtaan inay soo wada dhistaan maamul ay kuwada qanacsan yihiin oo waxaa awoodaa siinaya Dastuurka ku meel gaarka inay laba sano hoos tegi karaan Dawlada federaalka.
Abdiaziz Amalo