
Siyaasiintii danleyda ee Beesha Xawaadle iyo Socodkoodii Beletweyne
Siyaasinta Danleyda waa rag iyo Dumar oo mar walba olole siyaasadeed gala waqtiga doorashada soo dhawaata ama xiligeeda oo aan la arag iyaga oo hal maalin u danqanaya dadka ka soo jeeda deegaan doorashadooda
Siyaasinta Danleyda inta ay mansabka iyo xilka hayaan ama ha noqoto heer Madaxweyne goboleed, Wasiir, Xildhibaan iyo Senator wax dan ah uma galaan ummadda ay ku metelaan kursiga ay waqtigaas ku fadhiyaan. Danleyda waxay ka shaqeeyaan arrimahooda qaaska oo inay guryo ka iibsadaan Kenya iyo Turkey oo caruurtooda mustaqbal wanaagsan keliya u ssmeeyaan oo waa wax wanaagsan inaad reerkaada Nolol fiican geliso laakiin waa inaad 40% ugu yaraan xitaa aad wax ugu qabataa caruurta ka soo jeeda degaan doorashada oo waxaad kursiga ku heshay dadkaas aad meteshid madaxooda.
Siyaasinta Danleyda Beesha waa dad inta badan indha sarcaadiya dadka ay metelaan oo aan howshooda dhaafsiisnayn inay shirar iyo soo dhaweeyn, hadal macaan ay ku mashquuliyaan oo wax ficil la taaban karo aanan weligood ka qaban intooda badan kuwa Golaha Shacabka ku jira marka keliya ay gacanta taagaan inay hadlaan waa marka ay fasax weydiisanayaan oo doonayaan inay musqusha aadan oo Xildhibaanada Beelaha kale way barteen oo ay yiraahdaan haddii ay gacanta taagaan waxay doonayaan keliya inay fasax u qaataan suulida.
Danleyda Beletweyne oo isugu tagtay waa dhamaantood intii Beesha Xawaadle lugaha dabartay 16 sano ugu dambeeysay oo sida aan wada ognahay dhamaantood ma qeyb gelin Duugtii Ugaas Xasan oo qaar badan oo iyaga ah xitaa kama tacsiyadeynin maantana waxay leeyihiin waxaan duubeynaa Wiilkii Ugaas Xasan waa Ugaas Yusuf Ugaas Xasan.
Danleyda iyo Hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle waxyaabaha ama ajendaha ugu weyn oo ay meesha u tageen waa in la carqaladeeyaa duubka ugaaska oo dib loo dhigaa inta doorashada laga gudbaayo
Waxaa kale oo u qorsheysan iyaga iyo Hogaamiye ku xigeenka aqoonta ka arladan inay Beletweyne ku soo dhoweeyaan Hogaamiye koxeedka kowaad waa Ali Guudlaawe si uu halkaas u tuso World Bank inuu Beletweyne tegay maxaa yeelay waxaa u qorsheysan Guudlaawe inuu boobo lacagihii loogu tala galay Biyo xireenka iyo Airport maxaa yeelay wuxuu isku dayay dhowr jeer inuu projects la soo wareego laakiin FAO iyo World Bank waxay ku xireen inuu Beletweyne tago marka hore oo halkaas warbaahinta ka soo muuqda isaga oo jooga Beletweyne.
Ali Guudlaawe waxaa arrimahaas hoos ka soo riixaya Wiilka NISA jooga oo isaga u ciil qaba Beesha Xawaadle oo haddii uu awoodo doonayay inuu foorno wada geliyo sidii Hitler uu xasuuqay yahuuda oo uu 6 million hal meel ku dubay. Guudlaawe iyo Fahad Yasin oo og in Soyaasiinta Danleyda haddii loo balan qaado inay kursigooda ku soo laabanayaan in xitaa Hiiran oo dhan ay dab ku qabanayaan sidoo kale Hogaamiye ku xigeenka labaad waxaa isagana lagu qanciyay 1 baabur Toyota Landcruiser oo bulletproof iyo xoogaa yar oo qayilaad ah isagana intaas wuxuu ku diliyaa ama ku soo xirxirayaa dadkiisa oo ay ugu horeeyaan Dumarka uurka leh iyo caruurta
Waxaan aad ugu kalsoonahay in Danleyda Siyaasada Beesha ay dadkii inta badan wada fahmeen Indha saracaadkii iyo buulo xofteyntii beenta ahayd oo hadda arrinkii waxay dadkii leeyihiin hadalkii reer Buulaburte ay dhihi jireen Aniga ma I taatikeyneey oo waxaan maqlay in markan cashar fiican loo dhigi doono.
Waxaan Ilaahayga awooda leh ugu baryayaa in siyaasiinta Danleyda ka qabto Beesha si ay u hesho horumar iyo mustaqbal wanaagsan.
Somalia ha noolaato iyo Guuleysta dhamaantiin.
Abdiaziz Amalo